Post View....

Seynisyahanno shiineys ah oo sheegay in bahalkan laga dhaxlay cudurka Coronavirus

0
100

Saynisyahanno u dhashay dalka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen halka uu ka yimid cudurka faraha ba`an ku haya dalkaasi iyo caalamka kaas oo lagu magacaabo coronavirus islamarkaana galaaftay nolosha boqollaal dad ah, in badana ay isbitalada u jiifaan.

Midka mid ah bakteeriyada cudurkan uu wato ayaa waxaa laga helay xayawaanka naadirka ah ee dalkaasi Shiinaha ku nool kaas oo lagu magacaabo Pangolin.

Dadka shiineyska ah ayaa xayawaankan u cuna “faakiheysi”, waana qaali marka aad ka dalbaneyso maqaayadaha iyo restaurantiyada.

Waxaa sidoo kale loo isticmaalaa hilibka iyo dufanka xayawaanka sameynta mid ka mid ah daawooyinka dalkaasi Shiinaha laga cuno.

” Xogtan cusub ayaa horseedi doonta xakameynta iyo ka-hor-tagga cudurka Coronavirus”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bar ay leedahay jaamacadda South China Agricultural University.

Cudurkan oo galaftay nolosha dad kor u dhaafaya 700 oo ruux ayaa markii ugu horreysay laga helay suuq ku yaal magaalada Wuhan, halkaas oo sidoo kale lagu iibiyo xayawaanada nool-nool ee la qasho oo uu ku jiro xayawaankan iminka cududrka lagu sheegay.

Caalamka ayaa sas ka qaaday cudurkan markii uu soo shaac baxay, waxaana inta badan dalalkan ay sameeyeen iskudayo ay kaga hortagayaan in uusan dalalkooda soo gaarin, iyagoona goobaha xuduudaha iyo garoomada dhigay dhakhaatiir maarka dadka ka imaanaya Shiinaha iyo dalalka ka agdhow.

About Author