Post View....

C/rashiid Janan oo beeniyay inuu ku sugan yahay Magaalada Mandheera ee dalka Kenya, balse qirtay..

0
65

Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa beeniyay inuu ku sugan yahay magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Janan ayaa ku adkeystay inuu joogo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, sida uu yiri, wuxuuse qirtay inuu ka yimid dhinaca Kenya oo aanay wax dhibaato ah lahayn inuu tago dalka Kenya, sida siyaasiyiinta kale.

Arrintan ayaa timid kadib maanta shir jaraa’id oo ay magaalada Nairobi ku qabteen Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Mandera ay ka dalbadeen dowladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aaden iyo C/rashiid Janan ayaa degan hotel ku yaalla magaalada Mandheera, halkaasoo muddo dhowr maalmood ah ay qolal ka ijaarteen.

About Author