Post View....

Ciidamada ammaanka oo soo qabtay nin dilay wiil Afar jir ahaa

0
68

Kadib hawlgal ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkiinley ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen shakjsiyaad kala duwan.

Dadka la soo qabtay oo ku eedeysan burcadnimo ayaa waxaa ku jira nin maalmo ka hor wiil yar oo afar jir ahaa si macno la’aan ah u dilay wiilkaasi, ka dib markii uu xabad ku dhuftay.

Ninkan ayaa wuxuu ku xiran yahay Saldhiga Degmada Dharkiinley, waxaana lagu wadaa in la geeyo maxkamadda, si sharciga loogu qaado.

Ragga kale ee burcadda ah ee ciidamada ay soo qabteen, oo gaaraya illaa 5 ruux ayaa ku eedeysan inay dhac u gaysan jireen dadka ku nool xaafadaha Degmada Dharkiinley.

Saraakiisha ammaanka Degmada Dharkiinley waxa ay Badweyn.com u sheegeen inay kordhinayaan hawlgalada ammaanka ee degmadaasi laga sameeyo.

Maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool Degmada Dharkiinley ayaa ka cabanayay dhaca ay ku hayaan kooxaha burcadda.

About Author