Post View....

XOG:Booska Mahad Salaad Oo Villa Soomaaliya Diyaarsatay Shakhsigii Geli Lahaa

0
72

Iyadoo hadda Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya uu geba gabo ku dhaw yahay Mudada Xil heyntisa hadana waxaa lasoo sheegayaa inay jiraan xod xodasho lasii bilaabay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay dhaqaale tiro badan ku bixineysaa sidii Cali Yare Cali uu Xildhibaanka Beesha Ayaanle Ceyr kusoo bixi lahaa.

Waxa Hadda Kursiga Beeshaasi ku fadhiya Mahad Maxamed Salaad oo ay Cali Yare niman Ehel ah yihiin Balse ay siyaasada isku neceb yihiin.

Cali Yare Cali ayaa sii wada dedaalka iyo sida uu dhaqaalaha Dawlada la garab joogto uga faa’iideysan lahaa in Booskaasi uusan dhaafin.

Dhankiisa Mahad Salaad ayaa Beesha waxa uu ka dhaadhicnayaa sidii uu kusoo laaban lahaa,taas oo ka dhigan in Doorasho adag ay jiri doonto kursigaasi.

Mahad Salaad ayaa mar la isku dayey in Dawlada Dhexe ay dhaqaale ku bixiso si uu ujoojiyo qoraalada Dhimbilaha oo kale bartiisa gaarka ah uu kusoo qoro.

Waxaa ugu dambeysay faalo qoraaleed uu ka sameeyey Halista ku jirta Shidaalka Soomaaliya Ee Madaxweyne Farmaajo Saxiixay,kaas oo maalintii Sabtida Aheyd uu daabacay,dad badana ay ka aragti dhiibteen.

Mahad Maxamed Salaad waxa uu ka mid yahay garbaha Damu jadiid ku duulaan,waxa uu mar soo noqday Maamulkii Madaxtooyada Xilligii Xasan Sheekh Maxamuud,waxa uu safaro dibada ah oo aan xad laheyn Xasan Sheekh u raacay intuu xukunka hayey 2012 ilaa 2017-kii bilowgeedii.

Waxaase hadda uu wajahayaa mucaaradnimada uu ku qoro bartiisa gaarka ah awgeed loolan ay Villa Soomaaliya ku dooneyso inuusan mar kale Baarlamaanka kusoo laaban oo Cali Yare booskiisa Beesha ay soo doorato.

About Author