Post View....

Arday ku xaniban Shiinaha: C/raxman C/shakur oo Dowladda ka dalbaday Gurmad & eedeyn u jeediyey

0
58

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay u gurmato Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha, kaddib markii dalkaas uu ka dilaacay cudurka Corona Virus.

Arday Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Wuhan ayaa ku xayiran xarun la isugu geeyay, waxaana ay qarka u saaran yihiin inuu raashinka ka go’o, iyadoo ay adag tahay inay bannaanka uga baxaan.

Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dowladda ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmato dhalinyaradaas Soomaaliyeed, si naftooda loo badbaadiyay.

Siyaasiga Mucaradka Abdirahman Abdishakur Warsame Ayaa Qoray sidaan:-

Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.

Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qarankamaanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan.

Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.

Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.

Marka laga tago hadalka Abdirahman Abdishakur Warsame waxaa jirta in halis badan ay wajahaan Ardayda Somalia

Dowlado badan ayaa muwaadiniintooda kala baxay dalka Shiinaha, kaddib markii uu cudurka Corona Virus uu ku sii baahay gobolada Shiinaha.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa weli qaadin wax tallaab ah oo loogu soo gurmanayo dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Shiinaha uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

 

About Author