Post View....

Diyaarad Gaadiid Dagaal & Hub u sida ciidamada Dowladda oo ka degtay Doolow & Wararkii ugu danbeeyay…

0
70

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay degmada doolow ay ka degtay diyaarad siday Gaadiid iyo hub ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolkaas oo horey dowladda u geysay.

Gaadiidkaan oo ah nooca dagaalka iyo hub farabadan ayaa diyaarad waxaa ay ka qaadey Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in laga dejiyey garoonka diyaaradaha degmada Doolow oo dhawaan ay dowladda Ciidamo geysay.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay Cidamo kor u dhaafaya 2000 o Askari waxaa ay geysay degmooynka,Baardheere,Luuq, Beled-Xaawo halka saacadaha soo socda Ciidamo la geyn doono Doolow iyo degmooyn kale.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasn Cabdi Nuur Janan oo xaaladaha ka taagan Gobolka Gedo u tegay Beled-Xaawo ayaa shalay gelinkii dambe,isaga baxay,kadib markii Ciidamada Dowladda ay degmadaasi u dirtey Ciidamo baadi goob ugu jira.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya wax faah faahin ah kama bixin sababaha Ciidamada loogu daabulayo Gobolka Gedo,hayeeshee waxaa arrintaan ay soo baxdey markii uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeye Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka jUBBALAND.

 

About Author