Post View....

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Gobolka Gedo

0
62

Xiisada dagaal iyo dhaq dhaqaaq ciidan ayaa si xooggaan kaga socda qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo,kuwaas oo ay isaga soo horjeedaan ciidamo kala taabcsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo ku daabuleysa gobolka Gedo si ay ula wareegto ammaanka guud ee gobolkaas oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab iyo ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa u muquda mid sii xoogeysanaya,waxaana laga dareemayaa gobolka Gedo.

Ciidanka taabacsan Dowladda Federaalka ayaa shalay si nabdoon kula wareegay magaalada Baladxaawo iyo Doolow,halkaas oo markii uu maqlay dhaq dhaqaaqa ciidan uu isaga baxay C/rashiid Janan oo ah Wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo Dowladda ka baxsaday.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa faragelin ku heyso shacabka Gedo,waxayna gacan saar buuxa la leedahay maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa rajo wanaagsaneyn ka muujiyay waxa ka socda gobolka Gedo,waxayna ku taliyeen in xaaladda la dejiyo oo looga sii darin.

 

About Author