Post View....

Xildhibaan Moses Kurie “siyaasadda Kenya ee Arrimaha Soomaaliya ay tahay Mid qar iska Tuurnimo ah..”

0
58

Xildhibaan Moses Kurie oo ka tirsan Barlamaanka dalka Kenya Kuna Matala Madaxwaynaha dalkaas Uhuru ayaa Dhaleeceyn u jeediyey Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya.

Qoraal uu kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka ayuu sheegay in siyaasadda Kenya ee Arrimaha Soomaaliya ay tahay Mid qar iska Tuurnimo ah oo ay sameeneyso Wasaarada Arimaha Dibada Kenya.

Waxaa uu sheegay in siyaasada Kenya ee Soomaaliya kaliya aysan ahayn Jubaland Balse loogu Baahan yahay Wasiirka arimaha dibada Raychelle Omamo inay la timaado Siyaasad aan ahayn tan wasaarada arimaha Dibada dalkaas.

“Jubaland ma noqon karto qodobka kaliya ee qeexaya siyaasadeena Soomaaliya, Waxaan ugu baaqayaa Raychelle Omamo inay qeexdo siyaasadeeda arrimaha dibedda oo aysan ku Shabadeyn siyaasadii ay ka dhaxashay wasaarada,Madobe ma aha Kenya”.ayuu kusoo qoray Bartiisa.

Mudanahan ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada Alshabaab ay ku hayaan dalka Kenya waxaana uu sheegay inaysan ahayn wax la qaadan karo arintaas iyadoo ciidamada Somaaliyana ay joogaan Mandheera.

About Author