Post View....

Xaaladda Galmudug iyo saddexda awoodood ee is diiddan

73

Khilaafka ka taagan dhismaha maamulka dowlad goboleedka Galmudug ayaa loo arkaa inuu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay, waxaana dhinacyada ay arrintaas khuseyso u muuqdaan kuwo mid waliba uu si iskiis ah gooni ugu baxay.

Hal isbuuc gudihiis waxaa Galmudug looga dhawaaqay labo madaxweyne oo iska soo hor jeeda iyo labo baarlamaan, taasoo sii cakirtay rajadii laga qabay in hal dhinac la isugu bato.

Magaalada Dhuusamareeb, oo ah caasimadda Galmudug, waxaa ku wada sugan labo baarlamaan oo mid uu yahay kan ay sida iskood ah u dhisteen garabka Ahlu Sunna, halka magaalada Cadaado ay saldhig u tahay baarlamaan kale, oo ah kan ay ku qanacsan tahay dowladda dhexe.

Maalinta Axadda waxaa la filayaa doorashada madaxweynaha Galmudug ee ay qabanqaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo guddiga doorashada ee ay abuurtay xukuumadda dhexe ay ku tilmaameen tan kaliya ee waddadii saxda ahayd loo marayo.

Maamulka Ahlu Sunna, oo fadhigoodu yahay Dhuusamareeb, ayaa si iskood ah madaxweynaha Galmudug ugu doortay Sheekh Maxamed Shaakir, halka Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ay garabkiisa magaalada Gaalkacyo ku dhisteen baarlamaan u gaar ah, isagana madaxweyne u doorteen.

Ismariwaaga siyaasadeed ee Galmudug ayaa in muddo ahba soo jiitamayay, iyadoo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay wakhti badan galisay sidii xal waara loo gaari lahaa, balse marxalado badan ka dib aan ilaa hadda aan wax guul ah la gaarin.

Khilaafka ugu dambeeyay ee Galmudug wuxuu ka dhashay, markii Ahlu Sunnah iyo guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Galmudug ay isku “khilaafeen” guddiga doorashada ee maamuli doono doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana taas ay keentay in Ahlu Sunnah ay sameystaan guddi kale, ayna ku dhawaaqaan baarlaaman kale.

Xaaf iyo Sheekh Shaakir
Image captionXaaf iyo Sheekh Shaakir

Guddiga doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Galmudug ayaa Arbacadii sheegay in ay muddo saddex maalmood ah dib u dhigeen doorashadii dhici lahayd Khamiistii.

Tallaabadaas oo timid xilli doorashada la sugayay maalinta xigtay ayaa u muuqatay mid qeyrul caadi ah.

Hase yeeshee gudoomiyaha gudida doorashada Maxamed Xuseen Tahliil ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay tahay codsiyo uga yimid dhinaca musharraxiinta guddoonka baarlamaanka Galmudug.

“Labo qodob ayaa nagu kallifay dib u dhigista doorashada, kan hore wa in sagaalkii musharrax oo isla socda ay noo yimaadeen, ayna naga codsadeen in loo kordhiyo wakhtiga, si ay ol’olaha usii sameystaan xildhibaannadana ula kulmaan. Qodobka labaad waa in saddexda xubnood ee guddoonka baarlamaanka ay dalbadeen wakhti ay ku xalliyaan waxyaabo yar yar oo jira”, ayuu yiri guddoomiyaha.

Sheekh Maxamed Shaakir, oo ah madaxweynaha ay ku dhawaaqday Ahlu Sunna, ayaa BBC-da u sheegay inay marar badan dhankooda tanaasul ka sameeyeen.

“Waxaan ku su’aalayaa inaad ii sheegtid hal tanaasul oo ay dowladda noo sameysay aad ii sheegto, annagu inta aan u tanaasulnay bulshada daraaddeed, oo dowladdu waxay wadday aan u hoggaansannay oo aan niri bal wada way tiro badan tahay oo waan kuu tirin karnaa”, ayuu yiri.

.Lahaanshaha sawirkaSONNA
Image captionDowladda Federaalka iyo maamulka Ahlu Sunna ayaa marar badan isku fahmi waayay hannaanka loo dhisayo Dowlad Goboleedka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaalia Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa wakhti badan ku bixiyay sidii loo dhisi lahaa “maamulka Galmudug oo loo dhan yahay”, sida ay sheegeen, basle waxaa muuqata in taas aysan suurtagelin marka la eego dhinacyada siyaasadeed ee iska soo horjeedo.

Iyadoo la hadal hayay baarlamaanka ay Ahlu sunna ka dhistay Dhuusamareeb iyo madaxweynaha sida degdegga ah loo doortay, 30-kii bishan oo ku beegneyd Khamiistii waxaa magaalada Gaalkacyo looga dhawaaqay baarlamaan gaar u taagan, kaasoo durbadiiba madaxweyne doortay.

Xareed Cali Xareed, oo ah guddoomiyaha baarlamaanka lagu aasaasay Gaalkacyo ayaa BBC-da la hadlay: “Doorashada la i doortay waxay ka turjimeysaa shacabka reer Galmudug, siiba odayaashii dhaqanka oo gartay in si Galmudug loo badbaadiyo tani ay tahay waddada kaliya ee dastuurka waafaqsan. Wax kasta oo aan waafaqsaneyn dastuurka galmudug ama dastuurka federaalka waxaan aaminsan nahay inay yihiin wax aan waafaqsaneyn shuruucda dalka”.

Xal ma jiraa?

Dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay sida xal rasmi ah loogu heli karo ismaandhaafka sii xoogeystay ee ka taagan Galmudug.

Qaarkood waxay sharraxeen in qoonsiga uu ka yimid dhidibbadii ugu horreeyay ee loo taagay maamulka gobollada dhexe.

“Asaaskii Galmudug wuxuu ahaa mid si degdeg ah lagu dhisay waxbadanna la xeerinin, dib u heshiisiin dhab ah ma aysan ka dhicin, dorashada 2021 (ee soomaaliya oo dhanna) way soo dhawadahay, cidwalbana waxay dooneysaa in ay saameyn ku yeelato”, ayuu yiri Cabdimaalik Cabdullaahi oo ah cilmi-baare.

Shaki badan ayuu sheegay in dhinacyada uu soo kala dhexgalay, taasina ay culeys horleh ku keentay hannaanka maamul u dhisidaa Galmudug.

“Xalka wuxuu yahay in dhinacyada ay xeeriyaan danta guud, Dowladda Soomaaliya, Ahlu Sunnha iyo madaxweyne Xaaf ay isu yimaadaan oo aysan ku qamaarin inta yar ee maamulka dhisan, wadahadalna ay ku dhameeyaan waxa ay kala tabanayaan”, ayuu raaciyay.

Khilaafka Galmudug ayaa ka dhashay doorashadaLahaanshaha sawirkaPMO
Image captionKhilaafka Galmudug ayaa ka dhashay doorashada

Maxamed Caalin oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Galmudug ay dib ugu laabatay halkii ay markii hore ka timid.

Balse wuxuu ka hadlay sida loo baabi’in karo farqiga.

“Xalka wuxuu yahay in dastuurka dib loogu noqdo, wadahadalna dib loo billaabo oo lagu xalliyo khilaafka haatan taagan, Dowladdana joojiso doorashada ilaa iyo inta xal laga gaarayo khilaafka”, ayuu yiri Caalin.

Dowladda Federaalka ayaa laga yaabaa inay culeys badan kala kulanto sidii ay xal waara ugu heli lahayd Galmudug, waxaana dad badan ay ka walaacsan yihiin sida arrintaas loo soo afjari karo, marka la eego wakhtiga ay xukuumadda ederaalka horay u gelisay iyo sida loogu rajoweynaa maamul loo dhan yahay oo halkaas ka hana qaada.

Waxaase aan la ogeyn xalka khilaafka taagan oo marar hore dowladda Soomaaliya ay u adeegsatay dib u heshisiin iyo ballanqaadyo siyaasadeed.

About Author