Post View....

Shirkaddii Barwaaqa-Sooranka oo la Daah-furey!!!

0
69

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay Daah-furka Shirkadda Marina Beach Estate {MBE}, ayna ka soo qeyb-galeen Xildhibaanno, Madaxda G/Banaadir, Safiirro, Aqoonyahanno, Qurba-joog, Ganacsato, Culumaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Haween, Dhallijyaro iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa galabta lagu qabtay xarunta shirakaddaasi ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafaladdaasi oo si ballaaran looga soo qeyb-galay ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadashay Guddoomiyaha shirakadda Marine Beach Estate Marwo Liin Xasan Maxamed Saalax ayaa soo bandhiggtay taariikhda, ujeedada iyo himilada shirkaddaasi, waxaana ay caddeysay inay dhawaan dhagax dhigi doonaan mashruucii guryaha shirakaddaasi oo laga taaba-galin doonto xeebta Badweynta Hindiya.

“Dhul cabirkiisu dhan yahay 750-kun oo Mitir oo isku wareeg ah ayay shirakadda Marine Beach Estate ka dhisaysaa xeebta Bari ee Muqdisho, waxaa inoo qorsheysan inaan dhulkaasi ka soo saarno Xaafad Casri ah iyo guryihii ugu shidnaa Qarniga, guryahaasi waxay lahaan doonaan Laamiyo, Jardiinooyin, GYM, goobihii Cibaadada, Schoolo, Parkino baabuurta la dhigto, Dukaamo ganacsi iyo adeeg walba oo lagama mamarmaan ah” ayay tiri Guddoomiso Liin Xasan oo intaasi ku raacisay hadafkoodu inuu yahay bilic soo celinta magaalada, shaqo abuurka bulshada iyo horunmrainta dalka.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay Sheikh Cali Wajiis oo ku hadlayay magaca culumada, Xaaji Mire Indha-yare oo matalayay ganacasatada, Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab, Agaasimaha Ururada Bangiyada Soomaaliyeed Eng, Guuleed Cusmaan, Khabiir Xasan Axmed Yuusuf iyo maamulaha Bangiga Dahab Shiil ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya Cusmaan Cali Xalane, kuwaasi oo si diirran u soo dhaweeyay furitaanka shirkadda Marine Beach Estate, iyaga oo hoosta ka xariiqay inay ku faraxsan yihiin mashruuca cusub ee dhinaca guryaha oo ay shirkadaasi ka bilaabi doonto xeebta Bad-weynta Hindiya.

Gudoomiye Ku-xigeenbka Arimaha Bulshada G/Banaadir Basma Caamir Jakeeti iyo Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo gaba-gabadii xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay shirakadda Marine Beach ugu hambalyeeynayaan dadaalka ay ugu jirto dhismaha, quruxda iyo horumarinta wadanka, waxayna balan-qaadeen inay la shaqeyn doonaan, iyaga oo halkaasi ka sheegay inay noqon doonaan macaamiisha ugu horeysa ee degta guryaha shirkaddaasi .

Shirkadda Marine Estate oo la Aas-aasay sannadkii 2019 ayaa maanta oo ku beegan 30/1/2020 waxaa laga Daah-furey magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in Toddobaadyada soo socda ay shirkaddaasi dhagax dhigto guryihii ay horey naqshadooda u soo bandhigtay.

WD:C/Laahi Shiikhaalow

About Author