Post View....

Safaarada Somalia ee Ankara oo lagu eedeeyay in ay dib u soo celinayso dhaawacyadii Qaraxii Ex Control

0
80

Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagu eedeeyey inay dalka dib ugu soo celineyso dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga kuwaas oo aan weli helin caafimaad dhameystiran.

Hooyo Shariifo Maxamuud Rooble oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ay gabar uga dhimatay Qaraxii Ex Control mid kalana uga dhaawacan tahay kuwaas oo dhammaantood ahaa arday dhiganayey Jaamacadda Banaadir ayaa sheegtay inay ka cabaneyso Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Ankara.

Shariifo Maxamuud Rooble oo ah Hooyada dhashay Aamina Maxamuud Axmed oo kamid aheyd Ardeyda Jaamacadda Banaadir kuna dhaawacntay qaraxaas iyo Faadumo Maxamuud Axmed oo qaraxa ku geeriyootey ayaa sheegtay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ay culeys ku saareyso in dalka dib loogu soo celiyo Gabadheeda oo weli xaaladeeda caafimaad aan hagaagin.

Hooyadaan ayaa tilmaamtay inay safaaradda Soomaaliya Xalay ku wargelisay in Habeen dambe dib loogu celin doono Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaysan weli gabadheeda caafimaadin isla markaasna ay ku yaalaan dhaawacyo halis ah ayna ku noqon karin dalka.

Mar wax laga waydiiyey haddii ay la xiriireen safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay sheegtay inay safaaradda ka biyo diiday inay sii joogaan Turkiga lana jaray tikidkii ay diyaaradda ku raaci lahaayeen.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya ee Ankara Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo la hadlay warbaahinta gudaha kana jawaabayey eedeyntaas ayaa sheegay in safaaradda aysan arrintaas wax lug ah ku laheyn isla markaasna ay tahay go’aan kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo Dhaqaatiirta loo xil saaray daweynta dhaawacyadii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Dadka lasoo celin rabo kaliya maahan gabadha ay dhashay hooyadaan, balse waxaa sidoo kale jiro dad kale oo iyagana lasoo celinayo kuwaas oo sheegay in dadkii ka dhaawacnaa aysan weli helin daryeel caafimaadka iyo waqti ku filan.