Post View....

Muuse Biixi oo maanta soo arkay sida uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha Cigaal (Sawirro)

0
71

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdi Rodol , ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey garoonka, waxana uu madaxweynuhu ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu mid mid u galay qolalka, hoolalka iyo dhammaanba xafiisyada shaqo ee madaarka iyo kadimada ay rakaabku kasoo galaan madaarka iyo kuwa laga dhoofo, waxana si hufan uga warbixiyey maareeyaha Hay’adda Duulista hawada iyo madaarrada Somaliland oo ku dheeraaday horumarka uu garoonku ku tallaabsatay iyo sida ay shaqaaluhu heeganka ugu jiraan shaqada qaranka.

     

About Author