Post View....

Dadka uu ku dhacayo cudurka Shubanka oo sii kordhaya magaalada Baladweyne.

0
87

Baladweyne:- Wararka ka imaayana magaalada Baledwene ee gobalka Hiiraan oo ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in cudurkii shuban biyoodka ahaa ee deegaanadaas ka dillaacay uu wali taagan yahay heerkiisii, islamarkaana ay goobaha caafimaadka ku yartahay aagabka caafimaad iyo dawooyinka kala duwan ee looga hor tagi karo cudurkaan.

Cudurka ayaa halis ah ku ah dadka tabarta daran ee la daalaa dhacaya nolosha oo ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay kuna dhaqan deegaanada kala duwan ee Beledweyne laga maamulo.

Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in astaamaha lagu yaqaan shuban biyoodka ay ka mid tahay inuu sii xoogaysto marba marka ka dambaysa.

Laamaha caafimaaadka magaalada Beledweyne ayaa dhankooda dadaal xoogan ugu jira sidii ay u dabiibi lahaayeen dadka uu haleelay shuban biyoodku, balse waxay hoosta ka xariiqeen in goobaha caafimaadka intooda badan ay ku adag tahay inay helaan dawooyinkii kala duwanaa ee u sahlaayay inay ka hor tagaan shuban biyoodkaan.

Cudurkan shuban biyoodka ah ee ka dillaacay Beledweyne ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay saamayntii ay fatahaadihii ka dhacay gobolkaasi ku yeesheen magaalada beledweyne iyo deegaanada hoos taga.

About Author