Post View....

Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Gobolka Sanaag.

0
104

Wararka naga soo gaaray Magaaladada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tiran maamulka Somaliland iyo rag hubeysan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ragga hubeysnaa ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Magaalada Laascaanood ay ku leeyihiin in Ciidamada Booliska Somaliland,waxaana intaasi kadib digay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Laascaanood ayaa sheegay in xalay ay malayeen jugta rasaas ay isdhaafsanayeen Ciidamada Somaliland iyo rag hubeysan oo weli la aqoosan waxay ahaayeen,hayeeshee markii dambe uu dagaalka istaagay.

Weli lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaaladada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan falkaas.

Dhanka kale waa habeenkii labaad oo sidan oo kale weerar loogu soo qaado Saldhiga Ciidanka Booliska ee maamulka Somaliland ku leeyihiin halkaas,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in weeraradan ay ka dambeeyaan jabhadda uu hogaaminayo Col. Faysal Falaalug,kuwaasi oo ka horjeeda Somaliland.

About Author