Post View....

Wasiirka Dastuurka Galmudug Oo Qaadacay Go’aanka Golaha Wasiirada

0
151

Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta iyo Federaalka Galmudug Saalax Cabdullaahi Maxamed (Saalax Boostaale) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kahor yimid war kasoo baxay Wasiirka arrimaha gudaha ee Galmudug.

Wasiir Saalax ayaa beeniyay hadalkii uu warbaahinta siiyay Wasiirka Arrimaha Galmudug oo uu ku sheegay in golaha wasiirada ay walaac ka muujiyeen Ergo beeleed ka qaybgaleysa Shirka dib u heshiinta Dhuusamareeb ee lagu qabanayo.

Duraan Maxamed Samatar Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Galmudug Gudaha Galmudug ayaa sheegay in Ergada qaarkood ay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, fikirkooda ay dhex geynayaan Dhuusamareeb sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaaradda dib u heshiisiinta Galmudug Saalax Cabdullaahi Maxamed (Boostaale) ayaa sheegay in uu shirka goobjoog ka ahaa, isla markaana aan looga hadlin arrimaha Ergooyinka.

Waxa uu tilmaamay in Ergooyin tagay deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab aysan tagin Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Saalax ayaa ka digay in Shacabka Galmudug lagu kala fogeeyo deegaanada ay kasoo jeedaan, isla markaana aan shaki lagu dhex beerin Ergada Beelaha ee Shirka dib u heshiinta ka qaybgaleysa si loosoo guda galo dhismaha Galmudug.

About Author