Post View....

Wasiirka Amniga Juba Land Oo Laga Qabtay Garoonka Aadan Cade Iyo Sababta

0
151

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur oo maanta ay ciidamada Nabadsugidda Somalia ee NISA kasoo qabteen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeday dalka Itoobiya.

Wasiirkan ayaa hore dacwad uga taallay Maxkamadda G/Banaadir, waxaana sidoo kale jirtay in Booliska Adduunka ee Interpol u raadinayay tacadiyo lagu eedeeyay, laakiin masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia ayaa laga soo xigtay in su’aallo la weydiinayo ee aan la xirin, halka warar kale sheegeen in Ciidamada NISA ay ku hayaan Xaruntooda weyn ee degmada Shibis oo loo yaqaan Habar Khadiijo.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa qoraal uu dhigay Baraha Bulshada ku eedeeyay C/rashiid Janan inuu dembi ka galay dadka Gobolka Gedo. Wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: &Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada la dariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah (Interpol) iyo Laanta danbi baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Cidna kama baxsan karto Cadaaladda.

Arrinta dhabta ah ee loo heysto Wasiir C/rashidi Janan ayaan weli la shaacin, laakiin xogta ayaa sheegeysa inay ku lug leedahay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe iyo qorshe uu uga baxay madaxda dowladda federaalka.

About Author