Post View....

War DEG DEG ah:-Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Degmada Awdheegle

0
142

Wararka naga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas ay la wareegeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidamada dowladda haatan ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayaan in dagaalamayaasha Al-shabaab ay gebi ahaan isaga baxeen barqanimadii Maanta degmada Awdheegle,halkaas oo in muddo ah ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin gudaha degmadaas,hayeeshee ay isaga baxeen Al-shabaabkii ku sugnaa.

About Author