Post View....

Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran

0
107

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda.

Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan.
Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhammaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horay wadooyinka jidcadyaasha ah waxaa loogu xiray Dhagxaan waa weyn oo gaadiidka iyo Mootooyinka aanan u suuragelinayn inay ka soo gudbaan, haddana waxaa sii dheer in Isgoysyada ciidanka joogaan ay u diidayaan Mootooyinka iyo gaadiidka inay soo maraan.

Sababta loo xiray Wadooyinka ayaa ah in maanta Magaalada Muqdisho la keeni doono Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee Qatar.

About Author