Post View....

Waan waan laga dhex bilaabay Somaliland iyo Jabhadda Korneel Caare

0
110

Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay bilaabeen waan waan ku aadan sidii nabad loo kala dhex dhigi lahaa Soomaaliland iyo Jabhadda uu hoggaamiyo Korneel Saciid Cawil Jaamac Caare.

Korneelka iyo Ciidamo uu hoggaaminayo ayaa tira ka dhowr jeer ah waxaa ay ku wada dagaalameen Ciidamada soomaaliland deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,waxaana korneelka oo horay uga tirsanaa Ciidamada Soomaaliland uu sheegay in uu weerari doono Magalada Hargeysa.

Suldaanka Guud ee mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Soomaaliland oo lagu Magacaabo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Madax dhaqameed uu hoggaaminayo ayaa Korneel Caare waxaa ay kula kulmeen Buuraha Gobolka Sanaag, iyaga oo u gudbiyay in uu diyaar u noqdo wadahadallo uu la furo Soomaaliland si loo joojiyo dagaalka kala dhaxeeya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Korneel Caare uu shuruudo dhowr ah uu ku xiray in uu wadahadallo la furo Madaxda Soomaaliland si looga baaqsado dagaal dhexmara Jabhadda uu hoggaamiyo Korneelka iyo Soomaaliland.

Si kastaba Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan sheegay in dagaalka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Jabhadda Korneel ugu dambeyn uu ku dhamaan doono wax wanaagsan oo uu ula jeeday in wadahadal lagu dhameyn doono.

About Author