Post View....

Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Isbadal Lagu sameeyay.

0
114

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da Bishan Agoosto 2019,waxaa uu Isbedal ku sameeyey Taliska Qaybta iyo Abaanduulaha Qaybta 21 ee Ciidanka Xooga dalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad iyo Abaanduulaha qeybtaas.

Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad ayaa waxaa la magacaabay inuu noqodo G/Sare Cabdicasiis Cabdi Qayre,sidoo kale Abaanduulaha Qaybta 21aad ayaa waxaa isna loo magacaabay inuu noqdo Dhamme Aadan Siyaad Cabdi.

Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaanti ayaa waxaa loo bedelay,isla markaana laga dhigay Taliyaha Ururka 38 aad ee Taliska Guud.

Dhinaca kale Taliyaha Danab Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Dhamme Muqtaar Cabdi Aadan.

Ugu dambeyntii Saraakiisha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay gutaan Waajibaadkooda shaqo.

Wareegtada Hoos ka Akhriso :-

About Author