Post View....

Siyaasigu ma ku duceeystaa, Allow doorashada ku soo aadi waqti colaad iyo khilaaf jiro=Nasashada Jimcaha.Q-160aad=

0
138

1-Oday Jacfar maxamed oo 80 jir ah kana xanaaqay xaaskiisa oo 24 jir ah ayaa yiri: Allow “Habeen kasta oo Jimce ah dagaalkeena kusoo beeg, si Jimcahu ii dhaafto. (F.S: 1aad)

( Siyaasigu ma ku duceeystaa, Allow doorashada ku soo aadi waqti colaad iyo khilaaf jiro, mise isagaaba sameeyo khilaafka, si uu u qariyo karti yaradiisa)

2-Nin Marqaansan oo jooga Degmada Boondheere ayaa fadhiistay Dhismaha Jardiinka ee Guriga hortiisa ka dhisan, markuu xoogaa ku qayilay intii uuna Gurigiisii aadin ayaa Roob yimid. Kadibna Cidii ayuu Guriga u garaacay waxaana ka furtay Maamadii Guriga, gudaha ayuu soo galay markaa ayuu ku yiri: Jardiinka soo xareysta yuuna idinka Qoyine. ( F.S: 2aad)

(La taliye Marqaansan, Irdahana aan kala aqoon, ninkii aamina ……..)

3- Koo Qurbaha ka yimid ayaa Garoonka Adan cade, ka soo qaatay Taxi. Markii meel dhexe la marayo ayuu Qurba joogii ku yiri: war meel khatar ah ayaan mareeynaa? Taxi-lihii ayaa u soo taagay Bistoolad, kuna yiri: isku difaac. Wax yar kadib ayuu hadana ku yiri: war meel mugdi ah ayaad nagu leexisay. Taxi-lihii ayaa haddana siiyay Bambo F1 kuna yiri: Tanna isku difaac. Qurba joogii ayaa yiri: Adigu uma baahnid miyaa wax aad isku difaacdo. Taxi-lihii ayaa yiri: Maya hadda uma baahni, Adigu heyso inta aan ka gudbeeyno barta Kontrol ee police- ku joogo.

Hadda,Qurba joogii waxa uu ku xiran yahay saldhiga waaberi, waxaana lagu soo eedeeyay heysasho Hub Sharci la’aaneed.

(Qurba joog & Dal joog Ninba waxbuu khabiir ku yahay,ee is gaad gaadka hala joojiyo,hana leeys walaaleysto-waa iga talo)

4-koox Wariyiyaal ah ayaa soo galay Maqribkii Masjid lagu tukanayo Salaadii, waxa ey Salaadii ku xirteen Imaamkii. Intii Salaadii lagu jiray ayaa Imaamkii oo hargabsanaa, Qunfac ka soo fakaday.

Mid ka mid ah wariyayaashii oo is hilmaamay ayaa yiri: Dhageeystayaal naga raali ahaada ,taasi waxa ey aheyd Cillad xagga farsamada ah. ( F.S: 3aad)

(Wariyayaasha qaar hala tababaro. Meesha aad joogto iyo waxa aad qabanee iska hubi …….. “Haddii adiga oo Hurdo aad riyada Musqul ku aragto, haku kaadin”. Waa iga talo).

5-Cali Daacad ayaa Xaaskiisu ku tiri: ii soo iibi Candha celis “Rajabeeto N.16” oo aan ku Ciido. Waxa uu tagay Super market Xamar weyne ku yaal, oo ey joogto hal gabar oo iibineysay. Waxa uu ku yiri: Rajabeeto ayaa la ii soo diray Cabirkiina waan hilmaamay, Gabdha oo aheyd mid naxariis badan ayaa Qaawisay qeybta sare ee jirkeeda kuna tiri: cabirka xaaskaagu kan siduu ka ahaa? waa taabtay, waxa uu yiri: waa isku mid. Laakin waxaan Hilmaamay Kastuumana waa la ii soo diray. Waxa ey tiri: Taasi Xeerka Ganacsiga kuma jirto. ( F.S: 4aad)

(Guddi ayaa yiri: waxaa naloo soo diray Dib u heshiisiinta beelaha, waana la soo dhaweyay, waxa ey yiraahdeen Siyaasaddana waa naloo soo diray, waxaa la yiri: taasi Xeerka dhaqanka Beelaha kuma jirto).

6-Aabe iyo Gabadhiisa oo 7 jir ah iyo Xaasikiisa oo wada Casheynayo ayaa Gabadhii yareed ku tiri: Aabe waa maxaay waxa kuus kuusan oo ku yaal hooyo Xabadkeeda oo aan Adiga iyo Anniga nagu aalin. isaga oo ku ciyaraa ayuu yiri: waa kubbad, Hooyo marka ey Garoonka tagto ayeey buufisaa, Arsenal ayaana ka kireeysato Lacag badan ayaana la siiyaa. Kkkkk waxa uu ku qoslay sida uu gabadha ugu ciyaarayo. Gabdhii ayaa tiri: Laakin Aabe, shalay Adeer Faarax ayaa ka buufiyay, Lacagna masiinin Hooyo. Yaah. ( F.S: 5aad)

(Caruurta Qalbigoodu waa nadiif, ee haku ciyaarin haddii kale …….. waa iga Talo)

Qore: Yahya Amir

About Author