Post View....

Shir looga hadlaayey Badbaadada Cuntada oo lagu qabtay Kigali Rwanda

0
154

Shirk dooda-hogaamiyayaasha Africa ee Badbaadada Cuntada oo Kigali, Rwanda ku soo dhamaaday.

Shirkan oo ay martigalisay Dowlada Rwanda waxaa lasoo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO,Heyada Maalgalinta Horumarinta Beeraha Aduunka(IFAD), Bankiga Aduunka (WB), Waxaa kasoo qaybgalay shirka Wasiirada Beeraha Africa, Madaxda Heyadaha Maaliyada iyo Beeraha Ee Kor ku xusan, Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize.

Waxaa Shirka diirada lagu saaray xaalada cunto yarida ee kusii baahaysa Africa iyo sidii qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka Beeraha ee Africa oo ka hooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada iyo isbedelada Cimiliada oo saamayn ku yeeshay waxsoosaarka Beeraha.

Shirka Waxa hoosta laga xariiqay muhiimada ay leedahay in isku xiro oo wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Heyadaha maaliyada aduunka, heyadaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo kadhabaynta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP).

Waxaa Sidoo kale shirka lagu casumay madax hore oo Afrikan ah oo talooyin kaasoo jeediyay sida Madaxweynihii hore ee Neyjeeriya Obosanjo iyo Raiisalwasaarihii hore ee Itoobiya Hailamariam Deslen.

About Author