Post View....

Maxaa keeney in Farmaajo uu xiligaan u celiyo jinsiyadda USA

0
112

Sababta dhabta ah ee uu Madaxweyne Farmaajo isaga celiyay Baasabookiisii labaad ee Mareykanka ahaa ma ahan mid la xiriirta sheekada ah in markii horeba lagala noqon lahaa, ama sida ay dadka qaar sheegayeen inuu sameeyay hanjabaadaha Trump.

Sidoo kale waxaa iyana aysan xiriir la lahayn warar kale oo sheegaya in Madaxweynuhu uu isaga dhiibay Baasaboorka si loogu qaabilo aqalka cad ee Mareykanka, maadaama uu ahaa Muwaadin Mareykan ah oo ay siman yihiin Madaxweynaha Mareykanka.

Laakiin arrinta dhabta ah ee uu Baasaboorka Ameerikaanka u celiyay ayaa ah qorshe dheer oo muddooyinkii dambe ay ka wada shaqeynayeen dowladda Soomaaliya, Turkiga, Qatar iyo Ruushka, taas oo Soomaaliya doonayso in ay xiriir toos ah kula yeelato Ruushka isla markaana xiriirka ugu gaabinayso Mareykanka, taasoo culeys ku keeni kartay maadaama uu Muwaadin Mareykan ahaa.

Sababtuna waxay tahay iyadoo la xaqiijiyay in Soomaaliya si ay uga baxdo dhibka ay u baahan tahay ciidan adag oo hanan kara dhammaan ammaanka dalka, dhaqan gelin kara nidaamka dowladnimo kuwaas oo aad u qalabaysan.

2020-ka ayaa qorshuhu yahay in isbedello xooggan ay ka dhacaan Soomaaliya, taas oo u gogol xaaraysa Soomaaliyada cusub.

Laakiin dad baa waxay niyadda iska leeyihiin “Ma Soomaaliyadan ammaan darrada ah ee qarraxyada ku waalatay oo duqii magaallada Muqdisho xafiiskiisa loogu galay ayaa isbeddel soo wadda?”… Haa waxaas oo dhan ma hor istaagi karaan Hiigsiga Soomaaliya ee 2020-ka iyo wixii ka dambeeya.

Febraayo 10, 2020 waxaa Soomaaliya imaanaya ciidammo Turki ah oo kuwa Badda u badan, kuwaas oo qandaraas ku qaatay inay ilaaliyaan badda Soomaaliya, qalabkooduna u dhan yahay, waxaa kale oo iyana howshooda qabsan doona dhammaan ciidammadii Soomaaliyeed ee Turkigu soo tababaray oo weli xareysan isla markaana mushaari ah kuwaas oo sugaya xilligii loo qoondeeyay inay howl galaan.

Waxaa kale oo 2020 la dardar gelin doonaa heshiisyadii ka dhinnaa Shidaalka iyo kheyraadka laga qodi doono Soomaaliya kuwaas oo Baarlamaanka dalku ansixiyay qaabkii kheyraadkaasi loo qaybsan lahaa.

2020 waxaa Soomaaliya ka dhammaan doona dhammaan isbarbar yaacii maamullada, waxaana ay arrintu ku biyo shubanaysaa maamul goboleedyo la shaqeynaya una hoggaansan dowladda dhexe, waxaana taa qof walba uu ku ogaan doona qaabka ay ku dhammaato doorashada soo socota ee Jubbaland iyo Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo qof walba oo Soomaali ah uu ogaan doonaa sababta uu Farmaajo uga tanaasulay Jinsiyaddiisii labaad ee Mareykanka, isagoo marnana aan u fadhin doonin in Xafiiskiisa loogu galo sidii Ka dhacday xafiiska dowladda hoose ee Xamar.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo haatan u soo jeesan doonaa sidii uu dowladda uga nadiifin lahaa gacmaha cadowga u shaqeeya, iyadoo raadkuna uu soo galay dad xilal waaweyn haya.

Laga billaabo shalay Soomaaliya waxay qaadday dariiq cusub oo la dhaho (Ha u fadhinin).

Waxaa Qorey
Yaxye Yuusuf Khasaaro

About Author