Post View....

Ismaandhaafka doorashada Jubbaland halkuu ku biya shuban doonaa?

0
137

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu dhaariyay xildhibaannadii ay soo xuleen guddiga doorashooyiinka iyo xuduuddaha ee Jubaland oo ay tiradoodu tahay 73 xildhibaan.

Waxay sheegeen in xildhibaanadan ay yihiin baarlamaankaa labaad ee Jubbaland.

Baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 75, waxaa la soo magacaabay 73 xildhibaan halka labada xildhibaan ee kale ay guddigu sheegeen inay u hakiyeen sababo farsamo awgeed dibna laga soo sheegi doono.

Arrintaasi waxaa gaashaanka u daruuray musharaxiinta madaxtinimada ee Jubaland kula tartamayay madaxweynaha talada haya waxayna Muqdisho kaga dhawaaqeen magacyada liis xildhibaanno cusub oo ka kooban 66 mudane.

Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashada madaxweynaha.

Maxamed Nuur Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in”arrinta ay sii murjineyso xaaladdihii horey u jiray ee haa in qabaailada Soomaaliya ay siyaasadda ku qeybsan yihii”.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan “guddi doorasho” oo taabacsan musharixiinta qaar ee dhaliishan sida uu hannaanka doorashada uu u socdo, waana halka ay guddiga kaga dhawaaqeen.

Haddaba, guddoomiyaha guddigaas Axmed Aabi wuxuu BBC Somali u sheegay in ay “golaha isbeddel doonka ah oo ay ka mideysan yihiin odayaasha dhaqabka ee Jubbaland ee soo jireenka ah inta badan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka, culimaaudiinka iyo ururrada haweenka.”

“Tababarro ka dib oo la xiriira si xildhibaannada loo soo xulayo oo caddaalad ah, liiska ayey noo soo gudbiyeen, iyaga oo ikhtiyaarkooda ku soo qoray anagoon cidna ku xujeynin, sidaasaan marka saaka ku iclaaminay,” Ayuu yiri.

“Shan bilood iyo dheeraad buu magacaawnaa (golaha), intaa wadahadal baan kula jirnay inuu maamulka hadda jiro hal musharrax uu ololeeye u noqdo, waan ka kari weynay dabadeedna bulshada Jubaland ayaa go’aansatay iney sameystaan Guddigayaga,” ayuu yiri.

Maxamed Nuur Caalin ayaa sheegay in tallaabada musharrixiintu aysan “waafaqsaneyn warqaddii beesha caalamka ee ahayd in l caddeeyo guddiyada iyo odayaasha”.

“Waxay iila muuqataa in daoorashadu ay u dhicidoonto sida ay u qorteen guddiga doorashada ee Jubaland”, ayuu hadalka ku siidaray Caalin oo arrimaha Soomaaliya ka faalooda.

Guddiga doorashada ee Jubaland ma yahay mid madax-banaan oo dhexdhexaad ah?

Guddoomiyaha guddiga ka dhisan Muqdisho, Axmed Aabi, oo BBC Somali ay weydiisay waxa uu liiskooda ugu soo aaday midka xalay laga shaaciyay Kismaayo? wuxuu ku wajaawabay: “Maya, Anagu Fowdo ma wadno anagu xal oo dhan miiska ayuu nag saranyahay fursad kasta miiska ayuu naga saran yahay; wadahadal ha la isugu yimado waan oggol nahay ma diideyno. Xoog ma isticmaaleyno dimuqraadiyad baanu dooneynaa, doorasho dadka u dhaxeysa oo xalaal ah baan dooneynaa.”

Maxamed Nuur Caalin ayaa qabo in xalka lagu celiyo shacabka “isbarbar yaaca siyaasadeedna la iska daayo”.

“Doorashadii Koonfur galbeed cabashadii taagneyd baa tan Jubalandna taagan,” ayuu hadalka ku daray Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Mar sii horeysay, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka oo war qoraal ah ka soo saartay arrimaha doorashooyiinka dowlad goboleedka Jubbaland oo bishan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

“Wasaaraddu waxa ay caddaynaysaa in aan la aqoonsan karin natiijada kasoo baxda doorasho baal marsan qodobbada dastuurka iyadoo la ilaalinayo dastuurka iyo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay saddex qodob oo ay doonayso in ay fulaan si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah. Waxaa ka mid ah in diiwaanka magacyada odayaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaanada ay noqdaan kuwa rasmiga ah, ee waafaqsana kuwa ka diiwaangashan wasaaradda, iyo in diiwaangalinta musharixiinta madaxweynenimada uu sameeyo guddi laga xulay baarlamaanka iman doono, iyo sidoo kale in doorashada ay u dhacdo qaab xor iyo xalaal ah, sida qoraalka lagu sheegay.

Warqaddaas wasaaradda ka hor, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland Xamsa Cabdi oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in “odayaasha dhaqanka beelaha ay u soo gudbiyeen min saddex xubnood oo musharixiinta xildhibaanada ah,” kuwaas oo laga sii dhex xushay qofka noqonaya xildhibaanka.

Tan waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ay ka biyo diidsanyihiin musharixiinta la baxay isbaddel doonka.

Dorashada Madaxweynanimada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa iney dhacdo dabayaaqada bishan August.

Dumarka Qeybta ka ah Baarlamaanka Kismaayo looga dhawaaqay

Foos Cali Cabdiraxman oo ah gabar da’yar ah oo aheyd suxufiyad, ayaa ka mid noqotay xildhibaanada baarlamaanka Jubaland, waxay BBC u sheegtay in “aad ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland”.

“Markii hore qof rag ah ayaa beesheyda ku matalayey, haddana waxay beesheyda ii garatay xuquuqda dumarka si loo helo iney kursigaas aniga ii soo xushaan,” ayey tiri.

“Waxay sida oo kale ku faraxsanahay qoondadii dumarka ee ay ku leeyihiin baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ah 15% iney wada heleen taasina aad baan ugu faraxsanahay”.

Xigash:BBCSomali

 

About Author