Post View....

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

0
142

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Mursal ayuu sheegay in Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka uu si rasmi ah u xirmay 27kii July and 2019,kadib markii uu furmay 27-kii Maarso ee sanadkan 2019 uu furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Qoraalka Guddoomiyaha ayaa waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wargeliyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha,isla markaana Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono 27ka September 2019.

Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka:-

About Author