Post View....

Goormaa Muqdisho la keenayaa meydka marxuum Yariisow?

0
127

Waxaa lagu wadaa saakay in Muqdisho la keeno meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo laga soo qaadayo magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo qarax 24-kii bishii na dhaaftay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Galinkii hore ee shalay ayaa lagu waday in laga soo dajiyo Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo, balse dib u dhac ayaa ku yimid.

Guddi uu u xilsaaray Ra’iisul Wasaare Kheyre inay soo qaban-qaabiyaan aas qaran oo loo sameeyo marxuumka oo shalay warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in Diyaaraddii Dooxa kasoo qaadi laheyd meydka marxuumka ay ciladi ku timid.

Guddiga ayaa sheegay in Saakay oo Axad ah 8:00am ay Muqdisho imaan doonto diyaaradda wadda maydka Allaha u naxariistee Eng.Yariisow, iyadoo sidii qorshu ahaayba aas qaran Muqdisho loogu samey doono.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u badan Guddigii loo xilsaaray qaban-qaabada aaska marxuumka ayaa saakay ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, kuwaas oo sugaya diyaaradda keeneysa meydka marxuum Yariisow.

About Author