Post View....

Gobolka Gedo oo looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0
103

 

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo laga fulinayo dhamaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) oo shlay Baardheere ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana qorshahaas la dhameystirayo.

“Aniga booaqaashadeyda waxaa uu qeyb ka yahay dardargelinta howlgalada socda,qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhigweyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalka Shabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Gobada Dhexe”. Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali(Sanka)

Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran ay wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM si lamid ah howlgalada ka socda gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

About Author