Post View....

Gen. Madaale : “inta lagu guda jira maalmaha baroor diiqda Waxaa la adkeynayaa amniga dalka gaar ahaana kan Magaalada Muqdisho.

0
122

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee En:Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow kaas oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar.

Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo ku hadlayay afka taliska ciidanka booliiska ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu saaxiib dhow la’ahaa taliska talo iyo tusaalooyin joogta ahna uu la garab taagnaa.

Ugu dambeyntii ayuu tilmaamay in aas qaran loo sameynayo guddoomiyihii gobolka isla markaana inta lagu guda jira maalmaha baroor diiqda in la adkeynayo amniga dalka gaar ahaana kan Magaalada Muqdisho.

About Author