Post View....

Faah Faahin ku saabsan oo maanta Suuqa Bakaaraha ku dilay Nin Rayid ah.

0
114

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada.

Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka xili uu halkaas ku sugnaa.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa,waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay kun darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tegeen goobta falka ka dhacay,kuwaasi oo sameeyay baaritaano kooban oo ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan.

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Cabdalla Shisheeye ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

About Author