Post View....

Cumar Finish Oo Xilka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Lagu Wareejiyay

0
215

Waxaa xaflada xil wareejinta soo xaadiray marti sharaf badan oo ka kala socotay culuma udiinka, ganacsatada gobalka banaadir, ururada waxbarashada,ururada haweenka, siyaasiyiin, beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Bogga social mediyaha Gobalka banaadir ayaa lagu yiri

Munaasabad ka dhacday aqalka dowlada hoose Xamar ayuu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan oo ka socotay dowlada federaalka soomaaliya, dowlad goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir guddoomiyaashii hore ee gobolka Banaadir, barbaarta gaashaaman iyo marti sharaf kale..

Cumar Finish ayaa lagu xasuustaa inuu kamid ahaa dhowr hogaamiye kooxeed oo iyagu ka qeyb ahaa dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray walina aan xasuusta ka go’in hadaba su aasha dadka qaar ay isweydiinayaan ayaa ah ” Soomaaliya sidey hore ugu socon doontaa iyadoo ay hogaamiye kooxadyadii xasuuqa geystay ay xil qabanayaan? ”

Arimaha siyaasada geeska Afrika gaar ahaan tan Soomaaliya waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay faragalin ba’an ku hayay dalalka deriska oo iyagu danahooda kashaqeynaya. waxaa sigaar ah ay dadku isha ugu hayaan dalka Kenya oo xurguf dhul bad iyo cirba ay Soomaaliya kala dhaxeyso.

Hadaba malaga yaabaa in dowlada madaxweyne farmaajo ay wado siyaasad looga hortagaayo qorshayaasha ay dowladaha deriska ku weerarayaan dowlada federaalka islamarkaan ay difaac kadhiganayaan hogaamiye kooxeedyada oo iyagu caan ku ahaa kicinta qabaailka iyo hubeynta shacabka.

About Author