Post View....

Boosaaso: Maamul Goboleedka Puntland Oo Howl Galo Baahsan Kusoo Qabtay Dad Lalaxiriiriyay Daacish Iyo Shabaab

0
124

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magalada Boosaaso,waxaana howlgalkaas la sheegay in lagu soo qabqabtay dad farabadan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka sigaar ah looga sameeyay Hoteelada,Xaafadaha iyo goobo gaar ah oo ay Ciidamada bartilmaameed sanayeen,isla markaana lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab & Daacish.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed  ayaa sheegay inay howlgalka ku beegsanayeen Goobo gaar ah,isla markaana ay hayaan xogo ku saaban amniga,isla markaana cid walba oo howlgalkaas lagu qabto baaritaano lagu sameyn doono.

Waxa uu sheegay in Ciidamada ay diyaar u yihiin in xilli walba ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen Xaafadaha kala duwan ee Gobolka Bari ilaa iyo inta laga xaqiijinayo guud ahaan Amniga Magalada Boosaaaso iyo deegaanada hoostaga.

About Author