Post View....

XOG:Ujeedka ay DF ugu yeertay odayaasha beesha Axmed Madobe iyo isimada Puntland

0
64

Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho soo gaaray tobaneeyo ka mid ah Golaha Isimada Puntland iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Badweyn Online ayaa ogaatay in odayaashaan ay ku yimaadeen dalab ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in la xaliyo arrimo ka taagan Jubbaland iyo Puntland.

“Waxaa noo wacay madaxweynaha waxaana kala hadli doonaa labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland.

Xogta ay heshay Badweyn Online, ayaa sheegeysa in odayaasha lagala hadlayo in muhiim ay tahay in labada maamul ay ku xirmaan dowladda Soomaaliya, si lamid ah maamulada kale ee Koonfur Galbeed, HirShabelle, iyo Galmudug.

Sidoo kale waxaa la filayaa in isbadal lagu sameeyo maamulka Jubbaland oo dhismihisa khilaaf ka taagan, waxayna wararku sheegayaan in maamul cusub loo dhisi doono waqti aan fogeyn.

Tani waxay dhabar Jab ku tahay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf culus kala dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ma cadda, tallaabooyinka ay qaadi doonaan odayaasha marka ay ka laabtaan Muqdisho, hase yeeshee waxaa muuqda dadaal xooggan oo dowladda ay ku xaqiijineyso awooddeda gudaha dalka ka hor doorashooyinka dhammaadka sanadkan.

About Author