Post View....

Digniin:Gaadiid Qaraxyo oo la soo geliyay Muqdisho & Xog laga helay halka lala damacsan yahay

0
67

Cabso xooggan oo xagga amniga ah ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho ka dib markii laga war helay in Al-Shabaab ay Muqdisho geliyeen gaadiid ay ka buuxaan walxaha Qarax,kuwaas oo lala damacsan yahay bartilmaameed cayiman.

War si hoose looga helay laamaha amniga Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in laga war helay gaadiid Qaraxyo oo Muqdisho ku jira,kuwaas oo tiradooda la sheegin,waxaana sida xogta lagu helay gaadiidkan lagu farsameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga caasimadda ayaa durba qaaday tallaabio deg deg ah oo looga hortago gaadiidkaas Qaraxyada ka buuxaan laguna baadi goobayo,waxaana aad ah loo adkeeyay baaritaanka baraha Kontarol ee ay ciidamadu fariistaan.

Lama oga bartilmeedka rasmiga ah ee gaadiidkani Qaraxyada,balse warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya iney Al-Shabaab ugu talagaleen iney ku qarxiyaan qaar ka mid ah xarumaha Dowladda iyo meela qaar ee dadka isugu yimaadaan.

Al-Shabaab ayaa marar badan Qaraxyo iyo weeraro toos ah ka geystay magaalada Muqdisho kuwaas oo inta badan waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

About Author