Post View....

XOG:Sidee Ahlu suna u eersatay kalsoonidii ay saaratay Mareykanka? (Halistii saacadihii ka horeeyay Doorashada Qoorqoor?)

0
54

Kooxda Ahlusuna ayaa shuruud ka dhigtay heshiiskii ugu danbeeyay ee ay la gashay Xukuumadda Soomaaliya inuu Mareykanku damaanadqaade ka noqdo oo aysan isku aamini karin dowladda Federaalka, kadib heshiisyo hore oo ay uga baxday iyo qaar ay fulin weyday.

Arrintan oo ay aqbashay xukuumadda Soomaaliya ayaa keenay in heshiiska 20-ka xildhibaan lagu siiyey Ahlu-suna ee ay wada gaareen dowladda Soomaliya iyo Ahlu suna ay Safaaradda Mareykanka qeyb ka noqoto, waxaana heshiiskaasi soo dhoweeyay siyaasiyiinta mucaaradka oo beesha caalamka, siiba Mareykanka uga mahad celiyey kaalintii uu ka qaatay.

Ahlu suna ayaa magacawday 20-kii xildhibaan ee laga siiyey Baarlamaanka Galmudug, waxayna liiska magacyada xildhibaannadaasi u dirtay safaaradda Mareykanka, iyadoo aysan ka war heynin xukuumadda oo liiskaasi ka heshay Safaaradda Mareykanka. Tallaabadan ay qaaday Ahlu suna ee magacaabiddaiyo shaacinta liiska xildhibaanada la siiyey, waxay jahawareer ka dhex abuuray beelaha Galmudug oo ay muddo qaadatay in lagu qanciyo inay aqbalaan xildhibaannada Ahlu suna.

Kadib doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo Ahlu suna looga adkaaday musharixiintii ay wadatay, waxaa dhashay khilaaf ay abuureen xubnihii Ahlu suna uga mid noqday Guddiga Doorashada, waxaana intaasi socday diidmada Ahlu suna uga hor timid Doorashada, kana baxday hannaankii maamul u sameynta Galmudug, laakiin safaaradda Mareykanka ee ay damaanadqaade ka dhigteen ayey ku qancin waayeen khilaafka cusub ee ay bilaabeen.

Ahlu suna waxay sii xoojisay olole ay ku dooneysay inay ku fashiliso doorashada ay dowladda Federaalka qabanqaabisay ee Madaxweynaha Galmudug, waxayna xaaladu meel halis ah gaartay Galabtii Sabtida ee 1-da Febraayo 2020 oo saacado ka harsanaayeen Doorashada Madaxweyne Qoorqoor ku soo baxay, markii C/samad Macalin Maxamuud- oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu-suna- la xiriiray safaaradda Mareykanka, una sheegay digniinta Ahlu suna ee ahayd inuu dagaal ka dhici karo Magaalada Dhuusamareeb haddii ay dowladda Soomaaliya ku adkeysato Doorashada.

Ahlu suna waxay farriintii hanjabaadda dagaal ahayd oo qoraal ah markiiba u dirtay safaaradda Mareykanka iyo wakiilada beesha caalamka, iyadoo qoraalkaasi lagu baahiyey baraha bulshada balse jawaab aan lala soo daahin oo adag ayey safaaradda Mareykanku bixisay, iyadoo Ahlu suna si toos ah iyo si dadban ugu digtay inay qalalaase ku dhaqaaqdo.

Go’aanka Mareykanka kadib waxay Ahlu suna ku dhici weyday, kana tanaasushay carqaladeyn hubeysan oo ay dooneysay inay ku fashiliso Doorashadii 2-da Febraayo ka dhacda magaalada Dhuusamareeb, taasoo lagu doortay musharixii ay dowladda Soomaaliya wadatay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyadoo daqiiqado kadibna uu aqoonsaday Mareykanka, Safiir Yamamoto-na u diray hambalyo.

Rasaas iyo qalalaase ka dhaca Dhuusamareeb saacado ka hor doorashadii Madaxweyne Qoorqoor waxay dowladda Soomaaliya uga dhigneyd fashil iyo ceeb siyaasadeed oo arrinta Galmudug u bedeli kartay meel dhiig ku daato, waxayna magaalada la ciirciireysay xiisad iyo ciidamo fara badan, laakiin waxaa badbaadiyey Mareykanka.

About Author