Post View....

Nabad Suggida oo la sheegay inay xirtay Xasan Top kadib markii…

0
77

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ay xirtay Xasan Top oo ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah Youtobe-ka.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa laga soo xigtay in ciidamada maanta duhurkii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen Xasan Top.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Xasan Top loo xiray, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in su’aalo laga waydiinaayo shaqsi la tuhmaayo oo lagu magacaabo Siidow Lug-geel oo NISA ay xirtay.

Siidow lug-geel,ayaa la shaqeynaayay Xasan Top, wuxuuna kala shaqeynaayay barta Youtube-ka.

Taliska NISA loogama baran inay si rasmi ah uga hadlaan dadka, ay siyaabooyin kala duwan ugu xiraan Magaalada Muqdisho.

About Author