Post View....

Xog Culus Oo Ka Helnay Ciidanka Loo Daabulay Gedo & Duulaankooda Halkuu Yahay

0
63

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwo maalmihii lasoo dhaafay loo daabulayey Qeybo ka mid ah Deegaanada Gobolka Gedo.

Badweyn ayaa heshay Xog ah in Ciidankani yihiin kuwo katirsan Booliska Haramacad,balse waxaa is weydiin leh Boolis miyaa Duulaan qaada mise Amniga ayuu sugaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Ee kusugan Deegaanada Xorta ah Ee Gobolka Gedo ayaan Dawlada Kalsooni ku qabin taas oo sabab ka dhigtay inay Haramacad ku duulaan qaado.

Ciidanka Muqdisho ka baxay waxa ay ku wajahan yihiin Bu’aale oo dhinaca Gedo laga duulaan tegayo si ay Shabaab uga saaraan 10-ka sano magaalada ay joogaan.

Ma heyno xogo intaan ka baxsan balse waxay dawladu wadaa qorshihii ugu dambeeyey Ee Bu’aale Caasimada Gobolka Jubbada Dhexe oo Webiga Jubba dhex maro Magaalo Ganacsi ahna ay u xoreyn laheyd.

About Author