Post View....

Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Cusub Ee Kenya & Soomaaliya?

0
72

Xaalad kale ayaa soo cusboonaatay oo ku aadan in Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhex tafatay marka la eego arimo muddooyinkii dambe jiray.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa maanta oo arbaco aheyd si deg deg ah loogu diray digniin culus Dawlada Kenya.

Qoraalka oo nuqul ka mid ah aragnay ayaa waxa uu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga xun tahay Fara gelinta Qaawan Ee Amni iyo mida siyaasadeed Ee Kenya ku heyso Soomaaliya.

Waxa aan si toos ah loo cadeyn waxyaabaha ay ka carootay Dawlada Soomaaliya ee kenya ka tabaneyso balse waxaa laga digay inay joojiso malaha Kenya waa ay is og tahay waxa laga hadlayo.

Qeybta Dambe Qoraalka waxaa lagu sheegay in Kenya loo bandhigay inay ku adkeysato Deris wanaaga kala dhaxeeyo Soomaaliya si maldahana Dawlada ay sheegtay inay Tallaabo qaadi doonto.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegaya in Warkaan uu daba socdo dhaq dhaqaaqyada ciidan uu C/rashiid Janan Wasiirka Amniga Jubbaland ka wado Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya iyo inuu Kenya garab ka heysto,taas oo Villa Soomaaliya ka carootay.

Mar kale ayey Mugdi soo kala dhex gelineysaa Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya Xiriirkii ka dhaxeeyey oo 14-kii Bishii November 2019-kii Heshiis lagu gaaray Nairobi.