Post View....

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo War kulul soo saarey Xalada dalka+Mooshin cusub

0
57

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay deegaannada Puntland ayaa kulamo ku yeeshay muqdisho,kaas oo looga hadlay khilaafka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xildhibaannada oo kulankooda War-Saxaafadeed kasoo saarey ayaa waxaa ay kaga hadleen diidmada Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi goodox Barre Shahaadada Ardayda deegaannada Puntland,iyaga oo Wasiirka ku eedeeyey in uu burburiyey wada-hadallo ay wadeen.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Xildhibaannada Federaalka.

1: Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed waa xaq dastuuri ah oo laba taabtaan ah sida ku cad qodobka 30.aad ee datuurka KMG ah ee Somalia,isla markaana aysan dhici karin in Magaca dowladda ay mas’uuliyadda Wasaaradda Waxbarashada si qaldan u isticmaalaan.

2: Majiraan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo ka qeyb qaadan waayey xalinta arrintaan,balse uu jiro doorweyn ay ka qaateen si xal loo gaari lahaa,iyaga oo la kulmay Wasiir Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

3: In Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu burburiyey howlihii dhex dhexaadinta aheyd oo ay wadeen,isla markaana aysan iyagu maqal Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Puntland u tegay Arrimaha khilaafka.

4: In aan ula xisaabtameyno Wasiir Goodax Arrintaan uu sameeyey anaga oo adeegsaneyna awood Datuuri ah ee la xisaabtanka Golayaasha sida ku ad farqada labaad xarfka B-C ee qodobka 69aad ee Dastuurka KMG ah.

5: In aan la kulmeyno Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare kheyre oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhacdadaan mugdiga gelineysa Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed.

6: In Ardayda iyo Waaldiinta Soomaaliyeed ay naga war sugaan,isla markaana arrintaan ay wax wanaagsan ku dhamaan doonto.

 

About Author