Post View....

“Qeylada” ka dhalatay hambalyada Mareykanka ee Qoorqoor & Siyaasin ka Xanaaqay

0
67

Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb Donald Yamamoto ayaa Cambaarayn kala kulmay farin Hambalyo ah uu diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid oo shalay la doortay ka dib codayn ka dhacday Dhuusamareeb.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka falcelisay guusha Qoor-qoor ee doorashadii baarlamaanka Galmudug taas oo ay aqoonsantahay Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayay ku sifeeyay mid aan u dhicin qaabkii la qorsheyay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay iska indha tirtay dalabkeena ahaa in doorashaddu ku qabsoonto si xor ah, xalaal ah oo loo wadadhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xisbiyadda mucaaraadka.

Amb Donald Yamamota, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayay ku eedeeyeen in uu aqoonsaday doorasho aan u dhicin nidaam cad oo lawada ogolyahay,waxa ayna ku sifeeyeen “safiir taageeray nidaam doorasho oo la khiyaanay oo si cad loo musuqmaasuq layska indha tiray hab lawada ogol yahay”.

“Safiirka oo dhiibay daacadnimadiisa iyo dhex-dhexaadnimada wuxuu jebiyey tiirarka iyo mabaa’diida dowlad wanaaga iyo horumarinta dimuqraadiyadda ee siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka,” ayay ku sheegeen Qoraal maanta oo isniina ay soo saareen.

Dr. Xasan Sheekh Cali oo la hadlayay Sababta uu Safiirka Maraykanku u taageeray Madaxweynaha cusub ee Galmudug,waxa uu sheegay in mar walba Mareykanka ay taageeri jireen dhanka qaldan, oo aanay waligood danta iyo Maslaxada Dadka Soomaaliyeed ka shaqeyn.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay sanadkii 1948 oo markii u horeysay oo Mareykanka Soomaaliya yimid, xilligaasoo uu dhamaaday dagaalkii labaad ee Adduunka, isla markaana Mareykanka taageerayay in Soomaaliya lagu celiyo gacantii Talyaaniga

“72 Sanadood hal mar Mareykanka kama shaqeyn danta iyo maslaxada dadka Soomaaliyeed, intaas ay nala joogtay waxay ka shaqeyn jirtay dan ay ka leedahay Soomaaliya inay ka hirgasho, mar walba Mareykanka wuxuu taageeri jiray dhanka qaldan”ayuu yiri Dr. xasan Sheekh Cali.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal uu uga fal celiyay hambalyadii Safaaradda Mareykanka ay u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ayaa sheegay inuu maanta cadaaday tuhunkii laga qabay dowladda Mareykanka ee arimaha Soomaaliya.

“Tuhun laga qabay dowladda Maraykanka waa jiray, laakiin tuhunkaas maanta ayuu caddaaday”.ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ku dhaliilay Beesha Caalamka in ay fiirsanayso madaxda dowladda ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, weerarka mucaaradka iyo kuwa kale.

“Sababta ay beesha caalamka uga aamusantahay ku tumashada madaxda dowladdu ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, colaad hurinta beelaha dhexdooda, weerarka mucaaradka, maadaama ay dowladdu ku taagan tahay cududda ciidan ee AMISOM iyo muruqa diblomaasiyadeed ee beesha caalamka”ayuu yiri  Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ayaa ka hadlay hambalyada iyo aqoonsiga dowlada Maraykanku aqoonsatay doorashadii uu ku soo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.

“Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato In ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhexyaalla maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Xildhibaanada Maamulka Galmudug shalay u doorteen Madaxweynaha Maamulka Galmudug ka dib doorasho ka dhacday Dhuusamareeb,taas oo ay ka soo horjeesteen Madaxweynihii hore ee Galmudug,Ahlusunna,qaar ka mid ah Musharixiinta iyo Siyaaasiyiinta Mucaaradka ah.

About Author