Post View....

Xildhibaan Kenyan Oo Dalbaday In La Fuliyo Arrin Ka Dhan Ah Wasiir Janan

0
60

Mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya kuna matala Baarlamaanka Kenya madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhaleeceyn kulul u soo jeediyay siyaasada wasaarada arrimaha dibada dalka Kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Moses Korie oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa bartiisa twitterka waxa uu ku soo daabacay in qof uu ugu ciyaarayo si qar-iska-tuurnimo ah siyaasada Kenya ee arrimaha Soomaaliya.

“Jubbaland ma noqon karto mid siyaasadeena dhinaca Soomaaliya kaliya,waxaan ugu baaqayaa wasiirka arrimaha dibbada Raychelle Omamo inay sharaxdo siyaasada dibbada oo aysan ku tiimbareynin siyaasadii ay ka dhaxashay wasaarada,Madobe ma aha Kenya.”

Mudanahan ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada Alshabaab ay ku hayaan dalka Kenya waxana uu sheegay inaysan ahayn wax la qaadan karo in Al Shabab ay weeraro ka soo qaadaan Lamu ayna ciidamada Soomaaliyana magaalada Mandhera ay joogaan.

About Author