Post View....

XOG: Wasiir Janan & Saraakiil Kenyan Ah Oo Kulan Albaabada U Xiran Yahay Ku Yeeshay Mandhera

0
58

Waxaa xalay magaalada Mandheera ee waqooyi Bari dalka Kenya kulan saacado qaatay ku yeeshay Saraakiisha ciidamada Kenya iyo xubno Wasiiro oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Xubnaha Wasiirada Jubbaland ee la kulmay Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo abaabul dagaal oo ka dhan ah Ciidanka DF ee ku sugan Baladxaawo halkaas ka wada.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xiran yihiin ayaa lagu gorfeeyay sida ugu haboon ee gacanta Jubbaland loogu soo celin karo degmooyinka gobolka Gedo ka tirsan ee hadda ay ku sugan ciidanka Dowladda iyo sida Kenya arrintaas gacan uga geysan karto.

Sida ay ilo wareedyo muhiim ah inoo sheegeen,Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa ku qancay in wax kasta oo farsamo iyo hub ee ku baxaya dagaalka Gedo ay bixinayaan balse ay ka baaqsanayaan in dagaalka ay qeyb ka noqdaan.

Saan saan dagaal ayaa laga dareemayaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo,halkaas oo ay duleedkeeda isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga digtay Kenya iney soo farageliso arrimaha siyaasadda iyo amniga gudaha,islamarkaana ka dhexdo baxsado dhinacyada Soomaalida ee siyaasadda isku haya.

 

About Author