Post View....

Xiisad ka taagneyd deegaano hoos yimaada Degmada Matabaan oo la xaliyay.

0
58

Matabaan:-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

Saraakiishaan oo ka kala tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad iyo guutooyinkooda ka howl gala Galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta.

Genaraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya.

Odoyaasha iyo wax garadka labada dhinaca oo dood dheer kadib la isku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo, hadda kadibna la iska kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa soo qabashada cid walba oo dil geysata.

About Author