Post View....

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Erdogan & Halista laga digay cudurka Coronavirusee

0
63

Wasiirka Caafimaadka Dr Fawziya Abiikar Nur ayaa Maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer).

Wasiirka ayaa kormeertay qeybta caruurta si ay ugu kuur gasho daryeelka caruurta u baahan daawaynta heerka labaad iyo seddexaad ee uu isbitaalkaas takhasusiga ah bixiyo

Wasiiradda ayaa ka dhagaysatay dhaqaatiirta iyo howl wadeenka warbixinnada shaqada, caqabadaha jira iyo dar dargalinta howlaha daryeel bixinta caruurta.

Isbitaalka ayaa ku shaqeeya protocol iyo hishiis wada shaqayn iyo howlgalin oo ka dhexeeya labada wasaaradood Ee Caafimaad ee Turkiga iyo Somalia.

 

About Author