Post View....

Madaxtooyada oo Wasiir Maareeye u xil saartay xuska sanadguuradda 3-aad ee Doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

0
62

Iyadoo ay maanta ku beegan tahay sanadguuradii saddexaad ee markii xilka loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkan waxaan la arag xus iyo maamuuskii loo sameyn jiray maalintan.

Labadii sano ee hore ayaa taageerayaasha Madaxweynaha oo ay abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya waxay sameyn jireen munaasabado lagu xusayo maalintan, sida in adeegyo caafimaad loo fidiyo dadka qaarkood, boorar lagu xardho magaalada iyo kaalmooyin la gaarsiiyo dadka danyarta ah qaarkood, laakii nsanadkan ayaa gebi ahaan ka duwan kuwii hore.

Xuskan ayaa ku soo beegmay shirka dalalka Midowga Afrika ee Addis ababa oo madaxweynaha Soomaaliya aanu marna ka baaqan, lana filayo inuu isla maanta u socdaalo, waxaana warbaahinta dowladda ay shaacisay in Wasiirka Warfaafinta uu caawa toos u fariisan doono TV-ga dowladda isagoo dadka kala hadlaya waxqabadka dowladda 3 sano jirsatay ee Madaxweyne Farmaajo.

TV-ga dowladda ayaa sidan lagu qoray: &Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Maxamed Cabdi Xayir ayaa Caawa 7:00 fiidnimo illaa 9:00 Suaalo kaga jawaabi doona dadweynaha Soomaaliyeed kuwaas oo ku saabsan hormarkii la sameeyay iyo wixii u qabsoomay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta sadax sano laga joogo markii la doortay, iyadoo Barnaamijkaasi uu toos uga bixi doono warbaahinta Qaranka..

Waxaa hore loo qorsheeyay inuu Madaxweyne Farmaajo furo xarumo waaweyn oo dib u dhis lagu sameeyay sida Tiyaatarka Qaranka, laakiin waxaa la sheegay in markii danbe arrintan la joojiyey sababo aan ka sheegin dartood, waxaana sii yaraanaya xiisadii loo hayey maalinta 8-da Febraayo xilli uu sanad kaliya u haray Farmaajo.

Wasiir Maareeye ayaa jimcihii shalay lagu wareystay TV-ga dowladda, isagoo ka hadlay waxqabadka dowladda, balse in mar kale dib loo soo celiyo ayaan xiiso u lahayn dadka, waxayna dad badan is-weydiinayaan xilliga uu Madaxweyne Farmaajo shacabka hor imaan doono oo su’aalaha ay qabaan uga jawaabi doono.

About Author