Post View....

Wasiir Maareeye oo ka hadlay sababaha ciidamada dowlada loo geeyay gobolka Gedo

0
75

Iyadoo Todobaadyadii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay ciidamo farabadan ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa dowladu waxay markii ugu horeysay ka hadashay sababaha ciidamada loo geeyey gobolkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Ciidamadaas ay yihiin kuwa xoogga dalka, ayna dowladda gobolkaasi u geysay nidaam waafaqsan sharciga.

Waxaa uu sheegay in ciidamada loo geeyey gobolkaas gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka, sidoo kalena ay Dowladda Ciidamo ay geyn doonto dhamaan Gobolada dalka hadii loo baahdo.

Maareeye ayaan sheegin cida dalka laga difaacayo ee gobolkaas ku sugan inkastoo meelaha qaar gobolkaas ay joogaan xoogaga Al-Shabaab oo dagaal kula jira DF.

Hadalka wasiirka ayaa yimid xili shalay Maamulka Jubbaland uu shaaciyey in dowladda Federaalka ay ku soo duushay, degaano ka tirsan gobolka Gedo isla markaana ay iska difaaci doonaan.

Dad badan ayaa aaminsan in ciidamada DF geysay gobolka Gedo ay ujeedadoodu tahay sidii ay u sookoobi lahaayeen awooda maamul ee Madaxweynaha Jubbaland oo doorashadiisa ay dowladu diiday.

About Author