Post View....

Wasiir Juxa oo siweyn usoo dhaweeyay hadalkii MD Deni oo ku weeraray kooxda N&N

0
75

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa soo dhoweeyay shirka uu shalay iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni, ayaa iclaamiyey in shir wada tashi 15-ka bisha Maarso la iskugu yimaado Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Deni ayaa shirkaas ku marti qaaday xubnaha dowladda federaalka ku matala maamulka Puntland iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland, si buu yiri looga tashado aayaha Puntland.

Ex wasiir Juxa ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri, “Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado”.

Sidoo kale Juxa ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in reer Puntland wixii ka dambeeyey aas-aaska maamulkooda ay maanta mar kale is dul taagaan ka tashiga aayahooda.

“In Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo inay noqoto mid wax badan la kala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kadib mar kale is-dultaagaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa.

About Author