Post View....

Saraakiil ka tirsan Guutada 5-aad ee qeybta 27-aad oo tababar Ciidan loo soo xiray.

0
60

Tabarbarkaan oo socday mudo 6 maalmood ah ayaa loo soo xiray saraakiisha Ururada guutada 5aad qeybta 27 aad ciidanka xooga dalka kuna sugan magalada Baledweyn.

Muhiimadda tababarankan ayaan waxa uu ahaa mid saraakiisha lagu barayay qaabka ugu wanaagsan oo ay ula dhaqmi lahaayeen bulshada xiliyada ay joogaan furumaha dagaalka iyo xiliyada dagaalka ay ku jiraan.

Cashrada lagu baranayay ayaa waxaa bixiniyey macalimiin ku xeel dheer arimaha ciidanka, kuwaasi oo si weyn uga hadlay hannaanka saraakiishu ay u wajahayaan la macaamilka shacabka.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Ssalax Yacquub oo soo xiray tababarka ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay si fiican u gutaan waajibaadka saran, ayna ku dhaqmaan waxyaabihii labaray.

About Author