Post View....

Wasiir Janan: Cabsi kama qabo inay i qabananayaan Ciidamada Dowladda

0
65

Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo sheegay inuu ku sugan yahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya inaanu jirin wax baqdin ah, oo uu ka qabo Ciidamada Dowladda.

Tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Wasiirka Amniga Jubbaland uu ka baxsaday gacanta dowladda ayay Dowladda Federaalka ciidan xoog lihi ku daabushay Gobolka Gedo, si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo wareysi siiyay BBC, waxna laga weydiiyay sida ay isu waafaqi karto joogitaanka uu sheegtay inuu jooggo Degmada Beled Xaawo iyo Ciidamada Dowladda ee ku sugan ayuu qeexay inaanu wax cabsi ah ka qabin dhinaca Ciidamada Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay inuu maanta haysto ciidan ka tayo iyo qalab wanaagsan Ciidamada Dowladda ee joogga Degmada Beled Xaawo, sidoo kalena ay diyaar u yihiin ciidan kaloo kuwa Jubbaland ah, oo heegan ugu jira inay amarkiisa oo qura hellaan.

“Ciidanka magaalada joogga ciidan ka tayo wanaagsan, kana qalab wanaagsan baa aniga gacanta iigu jiro oo iga amar qaadanayo, oo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay leedahay oo anigu aan xukumo. Kuwo kale oo haddii aan dareemo inay ciidan la’aan i hayso aan la imaan karo, goobo kalena ku sugan way jiraan oo Jubbaland ay leedahay, oo aniga iga amar qaato oo i suggayo ayaa heegan ku wada jiro.” Ayuu yiri Wasiirka.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirka Amniga Jubbalan ayaa intaa ku daray “Marka wax cabsi ah oo aniga aan qabo oo aan is leeyahay ciidan Dowladda Federaalka ka amar qaadanayo ayaa ku qabanaya malahan.”

Wasiir Janan oo la weydiiyay ujeedada uu u jooggo Degmada Belex Xaawo ayaa sheegay inay la xiriirto, sidii uu dib u habayn ugu samayn lahaa Ciidamada Jubbaland, oo sida uu sheegay la kala fur furay mudadii uu xabsiga ku jiray, una midayn lahaa ciidamada iyo shacabka.

Wasiir Janan ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in xaalad jahwareer ah ku riday bulshada reer Gedo, si ay uga horyimaadeen nidaamkii ay ka tirsanaayeen, oo Jubbaland uu u kala jeedo.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa 28-kii bishii hore ee January sheegay in Wasiir Janan uu ka baxsaday goobtii uu kaga xirnaa Magaalada Muqdisho. Taliska Booliska ayaana toddobadkii hore soo saaray waaran caalami ah, oo lagu soo xiri karo Cabdirashiid Janan.

About Author