Post View....

Wasiir Cabdirashiid Janan: Dhibaato aan u gaystay shacabka Soomaaliyeed ma jirto+Dhageyso

0
58

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxa uu iska fogeeyay eedeymaha, ay u haysato Dowladda Federaalka, ee ah inuu tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka gaystay Gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inaanay jirin dad shacab ah oo uu dilay, balse ay dhici karto in dagaal dhex maray Ciidamada Jubbaland iyo Shabaab ay dad rayid ahi ku dhinteen, ha yeeshee aanu shakhsiyan jirin cid uu dhibaato u gaystay.

“Aniga waxaan dhibaato u gaystay oo dad ah, shacabka Soomaaliyeedna ah ma jirto. Dagaal Shabaab iyo ciidankayaga dhex maray way dhici kartaa in xabado la isku riday dad shacab ah ay ku dhinteen, laakiin dad shacab ah oo Soomaaliyeed oo aniga si gaar ahi dhibaato ugu gaystay ma jirin.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay arrintan salka ku hayso arrimo siyaasadeed, ayna soo bilaabatay xilligii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii masuuliyiin ka tirsanaa dowladdii xilligaa ay isu qabteen dhismihii Jubbaland.

Waxaa uu soo hadalqaaday in dowladda xilligan jirto ay ku hayso cadaadis isaga iyo Maamulka Jubbalandba, xilli uu ku eedeeyay inay burburinayso maamulkii ay dadka reer Jubbaland dhisteen.

“Dowladda Somaliya waa sax inay xabsi igu hayaan oo Jubbaland, shacabkeeda iyo nidaamkii ay dadku samaysteen inay burburinayaan. Inay i raadiyaan oo dagaalamaan oo wax imaan karo, laakiin waxaan hubaa dagaal inaysan qofna u wanaagsanayn.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Qofkii aniga i raadinayo waxaan jooggaa dalka Somaliya, gaar ahaan Buulo Xaawo, meelna ugama socdo. Gobolkan degmooyinkiisa kalaa taggi doonnaa, Kismaayo oo Xaruntii KMG ahayd ee Jubbaland baan taggi doonnaa, talada dalkaa dhinac ka lahaanayaa, qofka aniga i qabanayo ama shakhsiyan si gaar ah ii raadsanaayana waxaan leeyahay soo dhawoow.”

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa 28-kii bishii hore ee January sheegay in Wasiir Janan uu ka baxsaday goobtii uu kaga xirnaa Magaalada Muqdisho. Taliska Booliska ayaana toddobadkii hore soo saaray waaran caalami ah, oo lagu soo xiri karo Cabdirashiid Janan.

 

About Author