Post View....

C/rashiid Xiddig oo Xaqiijiyey in Ciidamada Amniga jubbaland ay xireen Kuxigeekiisii Koobaad Ee Aadan Afeey

0
70

Wararka hada naga soo gaaray magaalada ksimaayo ayaa waxaa ay sheegayan in ciidanka Jubbaland ay xabsiga dhigeen Madaxweyne kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Garabka Xiddig Madaxweynaha u yahay.

Ciidamada Amniga Jubbaland ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Aadan Afeey oo ahaa Madaxweyne kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Garabka Xiddig Madaxweynaha u yahay.

Aadan Afeey Maxamuud ayaa waxa uu deegaan ahaan kasoo jeedaa Gobolka Gedo,waxaana uu yahay mid ka mid ah Xubnaha sida weyn uga soo horjeeday Axmed Islaam & Hogaamintiisa.

Dhinaca kale C/rashiid Maxamed Xiddig Oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya sidoo kale sheegta in uu yahay madaxweynaha jubbaland ayaa xaqijiyay xariya kuxigeenkisa Qoraal uu ku qoray facebooka ayuu ku yirii Sidaan

Bismilaah:

Waxaan Shacabka soomaaliyeed,
Shacabka ree Jubaland,
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya,
Beesha Caalamka iyo Ciidamada Amisom
Ogeysiinayaa In saaka 9/2/2020 markay saacadu ahayd 8 Aroornimo la Afduubay
Mr Aadan Afey Mohamed oo ah Madaxweyne ku xigeen ka mid ah Masuuliyiinta Isbedel doonka Jubaland:

Saaka ayaa Ciidamo hubaysan oo ka amar qaata Maamulkii hore ee Jubaland ay ka Afduubeen inta u dhaxaysa Airporka kismayo iyo magaalada kismayo:

Madaxweyne ku xigeenka oo Ku tala galkiisu ahaa inuu u safro Magaalada Muqdisho ayaa laga hor istaagay inuu safro:

Inta la ogyahay aad ayaa loo jir dilay, Dhamaan qalabkii uu watayna waa laga qaatay ,

Intaas kadib Wax War ah lagama hayo:

Wali ma jirtoo waax war ah oo kasoo baxay Jubbaland xariga sarkaalkan

 

About Author